Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil caawa ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo faafhaahino ka soo baxaya

Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay fal dil ah oo loo geystay nin shacab ah oo ka tirsanaa dadka degaanka.

Dilka ayaa ka dhacat meel aan wax badan ka fogeyn xarunta maamulka degmada H/wadaag ayaa waxaa loo geystay nin oday ah oo magaciisa lagu soo koobay Juuni.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney fuliyeen dilkaas kuwaasoo goobta ka baxsaday sida laga soo xigtay goob joogayaal ka tirsan dadka degaanka.

Weli ma cadda sababta loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysay toonam mana jiro wax war ah oo ay dilkiisa ka soo saareen Maamulka degmada iyo laamaha amniga.

Waa dilkii 2aad inta la ogyahay ee ka dhaca Magaalada Muqdisho 24 saac gudahood, xalay ayeyna aheyd markii sidan oo kale dabley hubeysan ay degmada Kaxda ku dileen Badal Jaamac Xirsi oo ka tirsanaa abwaanada Soomaaliyeed ee caanka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Haweeney hadal Maseyr ka keenay ku muteesatay xabsi iyo Ganaax lacageed !!

Cabdi Cade

Maraakiib laga leeyahay Sacuudiga oo lagu Weeraray Xeebaha Imaaraadka

Caydiid Ali

Mashaariic loo raadinayo deegaanada Al Shabaab laga xureeyo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---