War Murtiyeed Khuuseeya Soomaaliya oo laga soo saaray Shir Madaxeedkii IGAD

Shir Madaxeedkii shalay dalka Jabuuti ku yeesheen Madaxda Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa laga soo saaray War Murtiyeed looga hadlayay qodabadii ay madaxda kawada hadleen intii uu shirka socday.

War Murtiyeedka laga soo saaray shirka Madaxda IGAD ayaa looga hadlay arimnaha doorashada Soomaaliya ee muranka ka jiro, waxaana loogu baaqay Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada in xal ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya.

War Murtiyeedkan laga soo saaray shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD ugu soo idlaaday Jabuuti ayaan looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee xiligan u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -