Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo furay Xarunta Gurmadka deg deh ah ee Isbitaal Martiini

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo loo dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xarig jarka kaddib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, ayaa tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo daboolli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah.

Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta dhaawacyada oo loo dhisay hab-casri ah,  ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

DEG DEG: Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Askari dilay labo Wiil oo Ciyaartyoy ahaa oo saakay xukun dil ah lagu fuliyay

Cabdi Cade

Xogta kulan Dhuusamareeb ku dhexmaray Qoorqoor & danjiraha Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---