Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan lagu dilay Baydhabo & Laftagareen oo ka tacsiyadeeyey

Dabley hubeysan ayaa xalay magaalada Baydhabo ku dishay xildhibaan Cabdulwahaab Maxamed Daqare oo ka mid ahaa Xildhibannaada Golaha deegaanka ee degmada Bardaale.

Laamaha amaanka Baydhaba ayaa shaaca ka qaaday in kooxdii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta, inkastoo ay sheegeen inay baadi goobayaan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka tacsiyadeeyey dilka Xildhibaan Cabdulwahaab Maxamed Daqare

“Waxaan ugu tacsiyaynayaa Ehelka, Qaraabadda iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha-u-naxaristee Abduwahaab Mohamed Daqare oo xalay Baydhabo Gacan ka Xaq daran ay ku dishay Waxaan Alle uweydiinayaa in hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa ehelka iyo Qaraabadana Samir iyo Alle haidinka siiyo” ayuu yiri Laftagareen.

Waxaa uu faray laamaha amaanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada ku horkeenaan kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka

Masuuliyada dilka ma jirto illaa hadda cid sheegatay balse kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan loo bartay dilalka noocan ah

Related posts

Xafiiska Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo labo todobaad u qabtay Masuuliyiin hore

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Gaalkacyo iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ciidamada Booliiska oo Muqdisho ku qabtay rag afduub iyo dhac geestay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---