Allbanaadir.com
NEWS

Sayid-cali Macalin oo maanta mar kale Maxkamad kasoo muuqanaya

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilaabeysa dhageysiga  kiiska uu ku eedeysan yahay Sayid-cali Macalin Daa’uud,  oo horey maxkamadda gobolka Banaadir ugu heshay in uu dab  qabadsiiyay uuna dilay xaaskiisa oo xaamilo aheyd .

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaana racfaan ka qaatay xukunno dil ah ay horey ugu rideen maxkamadaha gobolka Banaadir iyo tan racfaanka, waxaana la filayaa in go’aanka ugu dambeeya ee kiiska Sayid-cali gaarto maxkamadda sare ee dalka.

Aabaha dhalay Luul Cabdicasiis oo aheyd xaaska Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa horey usoo dhaweeyay xukunnadii dilka ahaa ee lagu riday Sayid-cali Macalin Daa’uud, waxa uuna aabahan sheegay in kaliya ku qanacsan yahay in ninkan loo toogto.

Qoyska Sayid-cali Macallin Daa’uud ayaa dhankooda caddaalad darro ku tilmaamay xukunka dilka ah oo horey loogu riday wiilkooda, waxa ayna sheegeen in Sayid-cali uusan kas u dilin xaaskiisa ayna u geeriyootay dab uu qabadsiinayay qolkiisa jiifka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Masuuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii G/Banaadir oo geeriyooday

Caydiid Ali

Maraykanka oo shaaciyey hadafka ay Al-shabaab ka leedahay Weerarada shacabka

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo ka farxiyay Boqolaal qof oo xaalku ku xumaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---