Xarakada Al-Shabaab oo lagu eedeeyey iney shaqaale Samafal afduubteen

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Al-Shabaab ay shaqaale samafal ka afduubteen degmada Beled-Xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo saacadihii la soo dhaafay.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland ayaa xusay in shaqaalahan oo labo qof ka koobnaa lagala degay gaadiid ay wateen xili ay howlo shaqo ka wadeen duleedka degmada B/xaawo

“labadan qof waxay u shaqeynayeen hay’ad maxali ah oo magaceeda la yiraahdo HIRDA taasoo ka shaqeysa arrimaha gargaarka iyo wacyigelinta bulshada” ayuu yiri wasiirka oo saxaafada kula hadlay magaalada Kismaayo.

Waxaa uu intaas ku daray wasiirku in shaqaalahaasi ay yihiin dad Soomaali ah, aysan garaneyn illaa iyo hadda halka lala aaday iyo sababta ay al-shabaab u qafaasheen.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland ayaa balan-qaaday iney dadaal badan ku bixin doonaan, sidii loo soo badbaadin lahaa labada qof ee samafalayaasha ah.

Al-shabaab ayaan illaa hadda ka hadlin ama ka jawaabin eedeynta wasiirka ee sheegeysa iney afduubteen shaqaale samafal, balse waxaa xusid mudan in kooxdan ay horey uga mamnuucday heyadaha samafalka nooc kasta oo ay yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -