Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo cunaqabateyn saaray hogaamiyaha Sudan

Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaray madaxa Golaha madax bannaanida Suudaan, Jen. Abdel Fattah Al-Burhan

Waxaa lagu eedeyay ciidanka uu hoggaamiyo ee militariga Suudaan inay duqeymo ka geysteen goobaha la ilaaliyo, xarumaha Caafimaadka, iskuullada iyo suuqyada

Sidoo kale waxaa lagu eedeyay joojinta gargaarka bani’aadanimo inay si ula kac ah militariga ugu adeegsadeen hab dagaal.

Cunaqabateynta waxay timid, xilli toddobaadyo ka hor uu sidan oo kale Mareykanku cunaqabateyn u saaray madaxa kooxda RSF ee la-dagaallamaysa militariga Suudaan.

Al-Burhan, uma wanaagsana cunaqabateyntan oo joojin karta diblomaasiyadiisa xoogganayd oo lagu aadiyay xilli uu ku gacan sarreeyo dagaalka Suudaan!

Waqtigii u dambeeyay Al-Burhan, ayaa sare u qaaday saameynta Suudaan ee Ruushka, Shiinaha iyo Iran , tan oo ah wax uusan dooneyn inuu arko Mareykanka, iskuday kasta oo Al-Burhan uu ku raadiyo in cunaqabateyn laga qaado, dabcan waxay shuruuda noqon doontaa inuu albaabka ka xiro xulafadiisa bariga ee uu ku soo dhaweeyay Suudaan.

Related posts

Shir u dhaxeeyay Masuuliyiin kala matalayay Soomaaliya iyo Uganda oo ka dhacay Kampala (Sawirro)

Cabdi Cade

Xasan Shiikh oo casuumad u diray Madaxda Dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo daah-furay Ololaha Qof iyo Fuusto daamur ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---