Guddoomiye Dhoobo oo ka soo horjeestay xil ka qaadistii saaka lagu sameeyey

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa sharci daro ku tilmaamay qaabka uu maanta Baarlamanka Puntland xilka kaga xayuubiyay.

Waxaa uu sheegay in xilka ka qaadista saaka la sheegay in isaga lagu sameeyey ay tahay mid laab lakac ah oo baal marsan dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha wakiilada.

“Waxaan leenahay nidaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Dhoobo.

Xildhibanaada Barlamaanka Puntland ayaa saaka u codeeyay xilka ka qaadista Guddoomiyaha Barlamaanka, Cabdixakiin Maxamed Axmed, waxaana xil ka qaadistiisa u codeesay 49 mudane, halka 4 xildhibaanna ay ka aamustay.

Mooshinka xil ka qaadista oo xalay la gudbiyay waxaa ku saxiixnaa 44 xildhibaan, sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Puntland.

“Ma jiro xeer hoosaad aan jebiyay. Golaheyga si wanaagsan ayuu ku socday, tii shalay u dambeysay si fiican bay u qabsoontay. Gudoonkeygaan la tashanayay oo hareeraha iga fadhiyay, golahaan la tashanayay. Wax la wada qaatay bay ahaayeen, Waxaa nakala saaraya in uu xaq yahay ama in uu xaaraan yahay, waxa iigu qoran dastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo”, ayuu hadalka sii raaciyay.

Waxaa uu sheegay in isaga xilka uu yimid qaab waafaqsan sharciga, uuna ku waayayo isla qaabkaas “Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa”, ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale, Wuxuu uu xusay in xildhibaannada culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay ka dibna lagu marin habaabiyey iney ka leexdaan sharciga, isla markaana qaadaan talaabada isaga xilka looga qaaday.

“Xarunta Barlamaanka ee Puntalnd waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ilaalada xarunta iyo ciidamo ka tirsan booliska Puntland, waxaana dagaalkaas ku dhintay saddex qof oo mid kamid ah uu yahay qof rayid halka shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -