Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo bogaadiyey danjire Fardowsa Max’ed Qanyare

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo uu wehlinayo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Xaadow ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa Wasiirka ku soo dhaweysay xarunta Safaaradda, halkaas oo ay warbixin kaga siisay shaqooyinka ay safaaraddu qabato.

Sidoo kale, waxay Wasiirka iyo Xoghayaha Joogtada ah ku soo wareejisay dhammaan xafiisyada safaaradda, iyagoo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay goobta safaaraddu ku taallo, isagoo xusay in ay tahay dhismo bilic leh oo soo jiidasho leh. Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay diblumaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda shaqo, si ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Uganda.

 

Related posts

Wariyaal iyo askar ilaalo u aheyd Axmed Madoobe oo kamid noqday Baarlamaanka Jubbaland

Cabdi Cade

Antonio Guterres oo ka dhawaajiyay Hadal wadnaha jaray kana carreesiiyay Israel

Cabdi Cade

Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday Soweto & Booliska oo ka hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---