Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku qabtay Hub iyo maandooriye (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka gaar ahaan booliiska ayaa howlgal xalay ay ka sameeyeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen hub sharci daro ah iyo waxyaabaha maanka dooriya .

Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsaday guri kuyaala degmada Wadajir ay xogtiisa hayeen, waxa ayna ciidamada gurigaasi kasoo qabteen labo qoray oo nuuca AK-47 , labo biskoolad iyo sidoo kale waxyaabaha maanka dooriya oo isugu jiray Khamri iyo xashiish.

Howlgalka ciidamada sameeyeen ayaa sidoo kale lagu soo qabtay dadkii lahaa hubka sharci darada ahaa iyo sidoo kale waxyaabaha maanka dooriya kuwaa oo hada xabsi ku jira baaritaanana lagu hayo.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ciidan ayaa booqday goobta howlgalka laga sameeyay waxa ayna warbaahinta usoo bandhigeen hubkii iyo waxyaabihii maanka dooriya ee lasoo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii Maaliyada dowlada Qatar oo xabsiga la dhigay & eedeymo culus oo loo heysto

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qarax lagu dilay shaqaale ka tirsan Hormuud oo Muqdisho ka dhacay

Caydiid Ali

Abiy Ahmed oo lagu eedeeyey inuu DF gacan ku siiyo caburinta Maamul goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---