Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan ajanabi ah oo u ololeeya Somaliland oo la kulmay Cirro

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka dalka UK, ayaa sheegay in uu sii xoojinayo ka shaqeynta sidii maamulka Somaliland loogu aqoonsan lahaa dal ka madaxbannaan Soomaaliya.

Gavin Williamson oo safka hore kaga jira siyaasiyiinta dhaqaalaha uga qaato Somaliland u ololeynta in dal madaxbannaan noqdaan , ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wasiirkiisa madaxtooyada Khadar Xuseen Cabdi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xilligani uu yahay wakhtigii dawladda UK uu xildhibaanka ka yahay ay maamulka Somaliland u aqoonsan lahayd dal madaxbannaan .

Gavin Williamson oo horena u ahaan jiray Xoghayihii Gaashaandhigga Ingiriiska, wuxuu muddo laba jeer ah baarlamaanka Ingiriiska horgeeyay soojeedimo la xidhiidha aqoonsiga qaddiyadda maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland, ayaa dhaqaale badan ku bixisa xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda dalalka Mareykanka iyo UK, kuwaa oo dalalkooda olole aqoonsi uga dhax wada Somaliland.

Related posts

Halis ku soo wajahan Somalia & DF diyaar garow bilowday

Caydiid Ali

Baarlamanka Somalia oo ka dooday qodob xasaasi ah

Caydiid Ali

Coronavirus oo weeraray Aqalka cad ee Maraykanka (Masuulkii 2-aad oo laga helay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---