Allbanaadir.com
NEWS

Tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka ee Magaalada Kismaayo oo la shaaciyey

Madaxa qaybta Cudurka Aids-ka ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland Cali Cabdullaahi oo ah ayaa faahfaahin ka bixiyay dadka la nool xanuunka AIDS-ka ee ku nool Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan dad kale oo xanuukan la nool, kuwaasoo ku sugan degaanada Jubbaland, sida Gobolka Gedo, Gobolka Jubbada Dhexe iyo Gobolka Jubbada hoose inkastoo buu yiri an tirakoob rasmi ah lagu sameynin.

Wuxuu sheegay in jiraan dad kale oo la nool cudurkaas oo ku nool magaalada Kismaayo balse dadka hadda u diiwaan-gashan Wasaaradda caafimaadka Jubbaland ay tahay 45 ruux.

Gobolada Jubbooyinka shacabka ku nool ayuu ugu baaqay inay hubiyaan xaaladooda caafimaad oo ay tagaan goobaha baaritaanada ah ee dhaqaatiirta ay ku sugan yihiin.

Inkastoo uusan jirin tirakoob sax ah oo lagu sameeyey tirada dadka Soomaaliya oo dhan qabta cudurka Aidska haddana Soomaalida illaa hadda lagu arkay cudurkaas ayaa aad uga yar dalalka deriska sida Kenya iyo Itoobiya oo cudurkan uu faro ba’an ku hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Magacyada :Guddiga Dib u Heshiisiinta Galmudug oo la magacaabay

Cabdi Cade

Kooxda Xamaas oo baahisay Fariin ka nixisay ehelada Maxaabiista Israel ee u afduuban

Cabdi Cade

Nin Goob uu Shaqo ka helay u lugeeyay 32-km oo gaari la siiyay Farxadna la Ooyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade