Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada kahortagga argagaxisada oo qalab casri ah helay (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi  (Diyaano) ayaa howlwadeeno katirsan ciidanka booliiska gaar ahaan qeybtooda ka hortagga Argagixisada u soo xiray Tababar.

Ciidankan katirsan booliiska ayaa tababarka loo soo xiray waxa uu ku saabsanaa habka waraysi qaadista casriga ah iyo xaraynta xogaha iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah oo howgalka booliiska Interpol ku tababartay ciidanka boliiska Soomaaliyeed.

Tababarkan uu soo xiray Taliyaha ayaa noqonaya Tababarkii labaad oo si wadajir ah u qaateen howlwadeeno ka kala socday boliiska, xeer ilaalinta iyo ciidanka asluubta ,waxaana uu Tababarkan dhinacyadan kala duwan ka caawinaya sidii ay u xoojin lahaayeen wada shaqeynta dhexdooda islamarkaana xog ururin casriyeysan (Collecting Biometric Data ) uga sameyn lahaayeen argagixisada, kuwa la soo qabto iyo kuwa kujira hadda xabsiyada.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan ayaa u mahadceliyey khubaradii ka socotay Interpol, waxa uuna  shahaadooyin iyana gudoonsiiyey howlwadeenada tababarka ka faa’iideystay, isagoona kula dardaarmay in shaqadooda la xiriiriyaan aqoonta la baray islamarkaana saaxiibadooda shaqo wadaaga yihiina uga faa’iideeyaan casharadii ay soo qaateen .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Beel Wareejisay hub loogu tala galay in lagula dagaallamo kooxda Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo sheegay in Al Shabaab weeraro abaabulayaan iyo Axmed Madoobe oo..

admin

Wasiirka arrimaha dibeda DF oo eedeeyey Maamulada Puntland iyo Jubbaland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---