Allbanaadir.com
NEWS

Madaxa WHO oo dirqi kaga badbaaday duqeynta Israel

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom ayaa bad qaba ka dib markii uu ka badbaaday duqeymo gelinkii dambe ee shalay Israa’iil ka geysatay garoonka diyaaradaha ee Sanca ee Yemen

Sida laga soo xigtay Dr Tedros, wuxuu ku sugnaa Yemen si ay uga wada xaajoodaan sii deynta shaqaalaha Qaramada Midoobay ee u xiran Xuutiyiinta iyo in la qiimeeyo xaaladda bini’aadanimo ee Yemen

Laakin markii ay wafdigiisa iyo isaga ay isku diyaarinayeen inay ka dhoofaan Sanca, waxay garoonka kula kulmeen duqeyn xagga cirka ah oo ay israel fulisay.

Duqeynta ayaa keentay in hal qof oo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda uu ku dhintay halka ay dhaawacmeen ugu yaraan labo kale oo uu ku jiro shaqaale ka tirsanaa WHO

Related posts

Jaamacadda Gareen Hope oo soo dhaweysay Qoraal kasoo baxay gudiga Tacliinta sare

Cabdi Cade

Rooble oo xaliyey khilaafkii soo kala dhex galay Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi

Caydiid Ali

Gabadha la dhalatay Kim Jong-un oo ku hanjabtay in ay adeegsan doonaan Nukliyeer hadii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---