Rooble oo xaliyey khilaafkii soo kala dhex galay Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wadajir ah ula kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, iyadoo xal laga gaaray madmadowgii jiray, waxaana la isku afgartay in horay loo sii wado howsha doorashada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Roobe

Ilo wareedyo hoose ayaa allbanaadir u sheegay in kulankan lagu so afjaray khilaaf maalmihii la soo dhaafay soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi kaasoo ku saabsanaa Arrinta doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la isku afgartay in la dardar geliyo howlaha doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Tiro ka dhowr ayaa sidan oo kale waxaa uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, iyagoo la isku hayay cida maamuleysa doorashada kuraasta Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

 

- Advertisement -