Diblomaasiyadda Qadar Qulqulaysa Saameyn Ma Ku Yeelan Doontaa Doorshada Soomaaliya?

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo malmo ka hor Ankara kula kulmay Amiirka Abu Dhabi Maxammed Bin Sayid Al Nahyan ayaa December 6, 2021 ku tegay safar laba maalmood ah Dooxa iyadoo la isla dhexmarayo in Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani uu doonayo inuu isku soo dhaweeyo Ankara iyo Riyad.

Tan iyo booqashadii ugu dambeysay ee Madaxweyne Erdogan December 2020, waxaa isbeddel ku dhacay xaaladda gobolka iyo tan caalamkaba. Qadar iyo Turkiga oo dhinac walba ka eegaya isbeddelladaas ayaa xoojiyay iskaashigooda diiraddana saaray siyaabaha gargaar bini’aadannimo oo dheeri ah lagu gaarsiin karo dadka Afghanistan islamarkaasna si wadajir ah ay uga hawlgeli karaan garoonka diyaaradaha Kabul iyadoo Taliban oggoshahay.

Dadaalka Qadar iyo Turki waxuu u badan yahay inuusan Afghanistan siin doonin aqoonsi sharci ah, balse tillaabadu waxay dhiiriggelin doontaa la macaamilka Taliban. Waxaase cajiib ah in booqasha Erdogan ay ku soo beegantay midda dhaxal sugaha Sacuudiga Maxammed Bin Salaam oo aan cagta soo dhigin Dooxa tan iyo markii labada dal uu xidhiidhkoodu xumaaday.

Isbeddelka jawiga oo u xaglinaya dhankooda ayaa sii xoojin doono xamaasadda iskaashiga. Washington oo diiradda saareysa tartanka Shiinaha ayaa dalalka Khaliijka Carbeed ku guubaabinaysa inay xallistaan dhibaatadooda.

Marka laga eego arrinka dhankaas, Erdogan oo sii xumaanayo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee reer galbeedka dalkiisa uu la lahaa ayaa boqashada kaga faa’iideystay dib u soo nooleeynta xidhiidhkii dhowaa ee uu la lahaa khaliijka.

Marka laga eego dhanka xiisadda gobolka, dalalka Sacuudiga, iyo Imaaraadkaba uma furna wax aan ahayn hakinta xiisadaha iyo horumarinta iskaasiga maadaama ay wax badan ku waayeen jahawareer iyo fowdo.

Stratiijiyadda Qadar iyo Turkiga ee dhiirriggelineysa amniga iyo kala dambeynta gobolka ayaa moodaa in looga gudbi karo walaaca Iran xalna loogu raadin karao xaaladaha cakiran ee Liibiya, Suriya iyo Yamen. Riyad iyo Abu Dhabi oo qaddariya isku-tiirsanaanta iyo iskaashiga gobolka ayaa bog cusub u furi doona dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda gobolka.

Waxaa bidhaamaya astaamo muujinaya xiisaha loo qabo dib u hagaajinta xidhiidhka Riyad iyo Tehran. Sidoo kale, La-taliyaha amniga ee dalka Imaaraadka Sheikh Tahnoon bin Sayid Al Nahyan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Suriya ayaa toddobaadkaan safar ku tegay Tehran. Diblomaasiyadda heerka sare ee qulqulaysa ayaa marqaati u ah in dadaalka caadiyanta xidhiidhka dalalka gobolka ee Qadar horseedka u tahay uu suuraggal yahay.

Dhanka kale, Qadar iyo Turkiga ayaa kaalin mug leh ka qaata dib u soo kabashada dowladnimada Liibiya, iyo Soomaaliya. Toddobaad ka hore Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Qadar ku tagay booqasho u muuqatay la tashi.

Walow, Qadar ay si xarraga leh u xasilisay qalalaasihii siyaasadeed ee Muqdisho, haddana imtixaanka dhabta ah ee dalka hor yaal ayaa ah dhaqan la’aanta awood qaybsiga siyaasiyiinta.  Doorashada madaxtinnimada ee ku soo fool leh dal oo aan lahayn habraac amaseba xeer dastuuri ah oo nidaaminaya ayaa laga yaabaa inay noqoto dhacdo weyn haddii wax qaldamaan.

Xigasho Jamhuriyadda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -