Allbanaadir.com
NEWS

Masar: “Howlgalka AUSSOM waan ka qeyb qaadaneynaa”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Abdel Aty oo ka hadlay shir jaraaid ka dib kulan uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Masar ay go’aansatay inay ka qayb-gasho howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya “AUSSOM”.

“Waxaan xaqiijineynaa mabda’a adag ee Masar ee ah in ay ixtiraamaan madax-banaanida Soomaaliya iyo midnimada iyo wadajirka dhulkeeda” ayuu cadeeyay.

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya ayaa sare loo qaadi doonaa ilaa heerka iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, siyaasadda, ciidamada, amniga, dhaqanka iyo iskaashiga waxbarashada.

Labada dal ayaa ku heshiiyey in la siiyo qalabka lagama maarmaanka u ah ciidamada milatariga iyo booliiska Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan la dagaallanka argagixisada iyo in la dhiso tayada agabka iyo hababka ay Masar ku xoojin karto ciidanka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Badr Abdel-Aty ayaa sheegay in Badda Cas ay leeyahiin dalalka ku teedsan, ayna suuragal ahayn in la aqbalo in dhinac kale uu joogo

“Waxaa la isla qaatay inaan Soomaaliya ka taageerno dhinacyo badan Masar waxay ka qeyb qaadan doontaa howlgallada amniga ee Golaha Nabadda iyo Amniga (African Union) ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka oo aan soo hadal qaadin heshiiskii Somalia iyo Itoobiya ku kala saxiixdeen Ankara.

Related posts

(Akhriso) Jubaland oo bedeshay habraaca mid ka mid ah kuraasta lagu dooranayo Ceelwaaq

Caydiid Ali

Jabhada TPLF oo shuruud adag ku xirtay in hubka dhigaan farriina u dirtay dowladda

Cabdi Cade

Iska horimaad iyo dil ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---