Allbanaadir.com
NEWS

Cirro oo ka farxiyey boqolaal Maxaabiis ku xiran Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu wareegto madaxweyne Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoraalka Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-01/458/2024, kuna taariikhaysan 22/12/2024.

Markii aan tixgeliyey: Qoraalka soo-jeedinta ah ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/574/2024, kuna taariikhaysan, ujeeddadiisuna tahay Talo Bixin Cafis;

Markii aan la-tashaday: Hay’adaha ay khusayso; Waxa aan go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 643 (Lix Boqol iyo Saddex iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

Related posts

Ciidanka dowlada oo gacanta ku dhigay Waxyaabaha qarxa oo la diyaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya oo Itoobiya kala wareegtay xil ay horey u heysay

Cabdi Cade

Wafdigii uu horkacayey RW Khayre oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---