Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo shaacisay iney la wareegtay Raaskamboni

Jubbaand ayaa sheegtay iney su buuxda ula wareegtay degaanka Raaskamboni ee gobolka jubada hoose oo mudooyinkan ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan DF oo laga diray Muqdisho

Ma jiraan ilaa hadda warar xaqiijinaya ama beeninaya sheegashad Jubbaland ee tilmaamaysa iney la wareegtay raaskambooni sidoo kale dowlada kama hadlin arrintaas waxay tanu ku soo aadeysaa xili maanta ciidamada DF iyo jubbaland ay dagaalo ku dhexmareemn nawaaxiga degaankaas.

waray soo saartay jubbaland ayaa u qornaa sidatan:-

Guud ahaan waxaa la soo afjaray Maleyshiyaadka uu eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud diyaarada ku keenay deegaanka nabada ahaa ee Raaskambooni.

Hada waxaa si buuxda deegaanka Raaskambooni iyo nawaaxigeeda gacanta ku haya Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland.

Maleyshiyaadkii diyaarada lagu keenay ayaa noqday qaar dhinta, qaar is dhiiba, kuwa gacanta lagu soo dhigo, iyo kuwa ilaa hada la la yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dowlada Jubaland ee uu hogamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed islaam ayaa horay waqti kooban ugu qabatay Maleyshiyaadka dhaca iyo boobka ka geysanaayey deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada hoose si ay ooga baxaan weyna ka dhaga adeegeen ugu dambeyn Maanta ayaa la soo afjaray

Related posts

DFS iyo ATMIS oo kawada hadlay Xasilinta goobaha Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Astaamo doorasho oo aan muuqan, Todoba cisho ka hor codbixinta xubnaha Aqalka Sare!

Caydiid Ali

(Akhriso Magacyada) Todoba xildhibaan oo saaka lagu doortay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---