Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ankara lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada
Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana lagu wadaa in uu la kulmo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku cel felisay in at ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.

 

Related posts

(Akhriso) Dowlada Soomaaliya oo soo saartay amar ku socda Ganacsatada Daawada

Caydiid Ali

Farmaajo oo War ka soo saaray dhibaato ku soo korortay dalka

Caydiid Ali

Xukun adag oo lagu riday Ninkii isku qarxin rabay Xafladdii Ahlu Suna (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---