Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Xassan Shiikh uu Abiy kula kulmayo Turkiga?

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku sii jeeda dalka Turkiga, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas Recep Tayyib Erdogan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka Madaxweynaha ku tagayo Turkiga, ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in wada hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo isna halkaas booqanaya.

Villa Somalia ayaan weli ka hadlin arrintan la hadal hayo ee la xiriirta kulanka labada hogaamiye mana jiraan illaa hadda warar xaqiijinaya ama beeninaya kulankan.

Turkiga ayaa waday mudooyinkan dadaalo uu ku dhex dhexaadinayo Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiy Ahmed, isagoo ka hor-yimid dadaalo ay wadaan Madaxda Gobolka oo la doonayay in lagu kulansiiyo

Xassan ayaa horay u caddeeyay in aanu la kulmi doonin Abiy illaa dowladda Itoobiya ka laabato heshiiskii MOU-ga ay la gashay Maamulka Somaliland kaasoo la isku dhaafsanayey dhul badeed iyo aqoonsi.

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo goordhaw Shir Xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho

Cabdi Cade

Labo Shirkadood oo caan ah oo Dayactir ku sameenaya Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Markab Xamuul oo ku degay Xeebaha Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---