Allbanaadir.com
NEWS

DF oo War culus soo saartay & Jubbaland oo beenisay

Boqolaal ka tirsan Ciidanka daraawiishta Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Beled xaawo sida ay sheegeen saraakiisha ciidamadaas oo ay soo bandhigtay dowlada Somalia.

Taliyaha horkacaya ciidankaas ayaa sheegay ineysan muddo dheer wax xuquuq ah ka helin Maamulka Jubbaland sidaas awgeedna ay go’aansadeen iney ku biiraan ciidanka xoogga dalka.

Hase ahaatee Wasiirka amniga gudaha Jubbaland sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa beeniyay wararka in Ciidamo Jubaland ka tirsan oo ku sugnaa Dagmada Baladxaawo Ee Gobolka Gedo ay isku dhiibeen DF

Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland ayaa u qornaa sidatan

“Waxaan si cad u beeninayaa in aysan jirin ciidamado ka tirsan dowlada Jubbaland oo daraawiish ah  oo ku sugan balad xawo arintaasoo ah mid lagu qaldayo dowlada federaalka  iyo shacabka reer Gedo.

Ciidamado Jubbaland oo Darawiish ah  waxaa u dambeysay kuwii uu dowlada faderaalka ku wareejiyay wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashid Xassan Cabdi Nuur.

Hadaba, saraakiisha dowlada ee kusugan gobolka gedo ee fashilan ee ciidanka nabadsugida, booliska iyo maleshiyaad ku soo ururiyay hadana  dhahayo waa ciidamo Jubbaland ah  oo ay rabaan in ay ku qaldaan shacabka reer gedo, waxaan wargalinaa dadka reer gedo in arintaasi ayanan  wax ka jirin.

Saraakisha dowladana waxaan  kula talinayaa shaqooyiinka dowlada ay u soo igmatay in ay ka shaqeyaan ayna ka dhex baxaan maamulada iyo canshuuraha Dowlada Jubbaland, Wixii ka yimaado arintaas  wa mid ay masuliyadeedu qaadan donaan.

 

Related posts

Dhammaystirka wejiga labaad ee Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo la daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Taliye Xijaar oo xilka ka qaaday taliyeyaal, kuwo cusubna Magacaabay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida maanta ku timid Jilaagii Caanka ahaa Ajakis

Cabdi Cade
Taboola Ads ---