Akayed Ullah oo ka hadlay sababta uu u geystay qaraxii ka dhacay Magaalada New York

Ninkii ka dambeeyey qarixii shalay ka dhacay meel basaska laga raaco oo ku taalla magaalada New York, Akayed Ullah, ayaa lagu oogay dacwado la xiriira argagixisanimo.

Ninka oo 27-jir ah waa qaxooti ka soo jeeda dalka Bangladesh, wuxuuna ku dhaawacmay weerarka ka dhacay Manhattan, Isniintii.

Dowladda Bangladesh waxay sheegtay in Akayed Ullah uusan weligii dembi ka galin dalkiisa oo markii ugu dambeysay ee uu booqday ay ahayd bishii Sebtembar ee sannadkan. Wuxuu dalkaasi ku sugnaa lix isbuuc, sida adeerkii u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Xaaska Ullah, oo aan ku sugnayn Mareykanka iyo xubno kale oo qoyskiisa ka mid ah ayaa hadda la weydiinayaa su’aalo si loo fahmo qaabka lagu xagjireeyay.

Ullah ayaa laga daaweynayaan dhaawac halis ah, ka dib markii uu ku gubtay wax jirkiisa ku xirnaa oo qarxay. Saddex qof oo kale ayay dhaawacyo fudud gaareen.

Laanta booliska New York ayaa shaacisay in Ullah lagu oogay dacwado la xiriira haysashada hub dembi lagu geystay, taageeridda ficilka argagixiso iyo halis argagixisanimo.

Wuxuu Booliska u sheegay in ay dhiirageliyeen weeraradii xilligii masiixiyadda lagu qaaday Yurub, isagana uu xushay meesha basaska laga raaco ee Port Authority ka dib markii uu arkay boorarka xafladaha masiixiyadda oo gidaarada ku dhegan.

“Weerarka waxaan  qorsheeyay ka dib markii aan arkay dayaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqeynaya xarrumaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee Suuriya iyo meelo kale” ayuu yiri ullah sida uu qoray wargeyska New York Times.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -