Allbanaadir.com
NEWS

Waddo muhiim ah oo laga dhisay Muqdisho oo xarigga laga jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray waddada Laamiga ee Isgoyska Towfiiq illaa Isgoyska Miisaanka dhuxusha ee Degmada Yaaqshiid, taasi oo dib-u-dhis balaaran lagu sameeyay.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay isku tashiga bulshada Degmada Yaaqshiid iyo sida ay ugu dhiiradeen hirgelinta Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar ee lagu horumarinaayo kaabayaasha kala gedisan ee caasimadda, waxa uuna kula dar-daarmay in la ilaaliyo bilicda waddadaan.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in shacabka Muqdisho in ay kaalin weyn ku leeyihiin horumarka caasimadda ka socda, gaar ahaan dhismooyinka waddooyinkii sanadaha badan bur bursanaa ee dib loo dhisay.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Md. Suleymaan Maxamuud Fargax, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Yaaqshiid.

Related posts

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland oo la doortay

Caydiid Ali

Arday saakay lagu dhax dilay fasalka Iskuul uu wax ka dhiganayay !!

Cabdi Cade

Cali Yare oo kashifay koox ka mid ah Nabad iyo nolol oo fashiliyey dowladii Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---