Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Isgaariinta ka jaray degaanka Raaskamboni

Jubbaland ayaa khadka isgaarsiinta ka jartay magaalada Raaskambooni iyo nawaaxigeeda ee gobola Jubada hoose

Waxaa halkaas ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay halkaas u dirtay DF laguna geeyey dayuurado

Arrinkan ayaa ka dhigan in ciidanka Raaskambooni jooga ee taabacsan dowlad dhexe ee federaalka inaysan haysan isgaarsiin telefoon iyo adeeg internet marka laga reebo isgaarsiinta ciidanka u gaarka ah.

Axmed Madoobe ayaa isku dayaya inuu cadaadis adag iyo go’doomin saaro ciidanka xoogga dalka ee Raaskambooni loo geeyey iney la wareegaan degaanada Jubbaland ee uu gacanta ku hayo si meesha looga saaro maamulkiisa.

Ciidamo fara badan oo Axmed Madoobe uu ka diray magaalada Kismaayo intooda badana maray dhinaca badda ayaa isku dhiibay ciidamada DF ay geystay Raaskambooni.

Related posts

Al Shabaab oo weerar ka fulisay gudaha Kenya iyo Faah faahino kasoo baxaya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Diyaar-garow ka socda Muqdisho iyo Suuqyada oo mashquul laga dareemayo

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Bogaadiyay guul ay gaareen Ciidanka Xooga dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---