Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey Shirka madaxda EAC

Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), isaga oo bogaadiyey iskaashiga iyo horumarka la gaaray tan iyo markii la Aas-aasay (EAC).

Shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo ay Soomaaliya ka qeygbasho iyadoo xubin buuxda ah ayay ka mid noqotay hoggaanka EAC ee sanadka soo socda iyadoo dalka Kenya loo doortay guddoonka halka Soomaaliya ay noqotay Xogheynta Guud.

Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay la jaanqaadi doonto hiigsiga 2050 ee himilooyinka iskaashiga dhaqaale ee Bulshooyinka Bariga Afrika. Wuxuu sidoo kale adkeeyay inay Soomaaliya diyaar u tahay inay dowr firfircoon ka ciyaarto howlaha horyaala EAC ee horumarinta, dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo isdhexgalka bulsho.

Dowladaha xubnaha ka ah EAC waxyaabaha ay sanadkan uga hadleen shir madaxeedka waxaa kaloo ka mid ahaa addeegsiya Teknoolajiyada, canshuuraha, amniga, iyo xubnaha Maxkamadda  EAC.

Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan noqotay dalkii 8-aad ee ku biira Bulshada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Tanzania marwo Samia Suluhu, waxa ayna labada Madaxweyne ka hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Related posts

Faahfaahin: Qarax ka dhacay garoonka Ciyaaraha Magaalada Belad-Weyne

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay cida ay ahaayeen dadkii ay ku dileen Weerarkii Liido

Cabdi Cade

Buundada Degmada Qoryooley oo caawa la bur buriyay iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---