Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo soo saaray go’aano ka dhan ah DFS

Madaxweynaha dwlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam  ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan Xaalada murugsan ee dalka.

Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa si rasmi ah loogu shaacisay in Jubbaland ay joojisay xiriirkii iyo wada shaqayntii kala dhaxaysay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedaysay inay ku tumatay dastuurka dalka.

Jubbaland waxay sheegtay in tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin wax ka beddelka Dastuurka iyo Xeerarka Doorashooyinka ay yihiin kuwo sharci darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo Golaha Wasiirada Jubbaland ku tilmaamay go’aannada Xukuumadda Federaalka inay yihiin afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah, taasoo halis gelinaysa dowladnimada iyo wadajirka umadda.

Ugu dambeyn Jubbaland waxay ku dhawaaqday gogol wadatashi oo ay ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadda dalka in ay ka soo qeyb galaan sidii looga tashan lahaa aayaha dowlad-dhiska iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo yeeshay Iskaashi cusub oo mug leh (Sawirro)

Cabdi Cade

Mahdi Guled “Somaaliya Way Kagudubtay Waqtigii Masuul Soomaliyed uu Ku Shaqeeyn jiray Fikirka dal kale !!

admin

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Quetta iyo Koox sheegatay Masuuliyada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---