Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Quetta iyo Koox sheegatay Masuuliyada (Sawirro)

Qarax khasaaro geestay ayaa ka dhacay magaalladda Quetta ee gobalka Balochistan ee koonfur galbeed ee dalka Pakistan, waxaana qaraxan durba masuuliyadeeda sheegtay Tahreek-e-Taliban ee Pakistan.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ka dhacay magaalada Quetta waxaa ku dhaawacmay shan qof, waxa uuna qaraxan ka dhacay goob la sheegay in ammaankeeda si weyn loo adkeeyo ayna joogaan booliis badan.

Masuuliyada kooxda hubeysan ee Tahreek-e-Taliban ee Pakistan (TTP) ayaa sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi, iyagoo xusay inay beegsadeen ciidanka ammaanka Pakistan kuna garasiiyeen khasaaro badan.

Qaraxan ka dhacay dalka Pakistan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor qarax lagu hoobtay ay ku dhinteen dad ka badan 80-qof sidoo kale ku dhaawacmeen boqolaal qof uu ka dhacay masaajid kuyaalla magaalladda Peshawar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Shariif oo dhaliilay Shirkii Madasha Iskaashiga Somalia, kana digay burbur dowladeed

Caydiid Ali

Kuleylkii ugu sareeyey abid oo laga dareemay qeybo ka mid ah Qaarada Yurub

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Warbixin siiyay golaha Wasiiradda Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---