Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland & Ilaaladiisa oo laga helay cudurka Coronavirus

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliland Saleeban Yuusuf Koore ayaa goor dhow shaaca ka qaaday in laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus

Saleeban Yuusuf Koore oo ku sugan Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay laga helay cudurkan, uuna haatan galay xaalad Karantiil ah.

“Waxaan markii hore uu isku arkay madax xanuun, qandho farabadan iyo daal, kadibna waxaa la igu sameeyay baaritaano, sidaas ayaana la iiga helay Cudurka” ayuu yiri Wasiirka

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xaqiijiyey in qaar ka mid ah ilaaladiisa laga helay Cudurka, isla markaana Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool lagu karantiilay.

Waxaa uu xusay in isaga iyo ilaaladiisa ay xaaladoodu degan tahay, aysana jirin haatan wax weyn oo ay dareemayaan, isagoo xusay in xaalada karantiilka ah ay ku sii jiri doonaan tan iyo inta ay xaaladoodu ka soo reyneyso.

Cudurka halista ah ee Coronavirus  ayaa muddooyinkan faro kulul ku hayey degaanada Somaliland, waxaana faafitaanka cudurkan ee degaanadaas loo aaneynayaa maamulka oo aan talaabooyin adag ka qaadin ka hortaga cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -