Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Zelenskyy oo qeylo dhaamiyay weerarka loo adeegsay gantaalka Oreshnik

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa laga maqlay baahida ay u qabaan nidaamyo difaac oo awood leh, iyadoo hadalkan uu yimid maalin kaddib markii Ruushka uu markii u horreysay gantaal riddada dhexe oo guuxiisa ka dheeraya uu ku weerarray saldhig lagu horumariyo gantaallada Ukraine.

Weerarka wuxuu ahaa midkii u horreeyay oo Ruushka uu u adeegsaday awood ka baxsan gantaallada Cruise-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , si dhaqso ahna Ukraine ayaa usoo bandhigtay walaaca ay ka qabto gantaallada Ruushka , laakin walaaca wuxuu yimid iyadoo wali Ruushka uusan adeegsan gantaalladiisa riddada dheer, kuwa qaada madaxyadda hubka kiimikada iyo nukliyeer midna, balse waxay ku filnaatay gantaal riddada dhexe ah inuu Ruushka ku soo bandhigo khatarta ay la kulmi karto Ukraine.

Muxuu yahay gantaalka qaylo dhaanta uu ka diray Zelenskyy?

Ruushka wuxuu adeegsaday habeenkii Khamiista ee toddobaadkii hore gantaal cusub oo horey uusan Ruushka usoo bandhigin, loona adeegsan, kaasoo qaatay magaca Oreshnik — wuxuu Putin ku ammaanay gantaalkan inaysan jirin nidaam difaac oo ay heystaan Ukraine , Mareykanka iyo reer galbeedka oo awoodda inuu celiyo.

Gantaalkan waa Hypersonic ballistic ah, oo ka dheeraya guuxiisa, wuxuu ilbiriqsigii ku gaari karaa 3 km, isagoo awoodda inuu garaaco masaafo 5,500 km , wuxuuna qaadi karaa madaxyada qarxa oo culeyskoodu yahay illaa 3 tan, sida ay soo bandhigtay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik.

Putin ayaa gantaalkan ku sheegay sidoo kale inuu awooddo in lagu xiro madaxyo nukliyeer ah, wuxuu xalay amar ku bixiyay in la soo saaro gantaallo badan oo ah Oreshnik, tan oo muujisay in xilli horaba uu Putin ku qanacsanyahay awoodda wax burburin ee gantaalkan.

Hadda , Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ayaa billaabay inay wax ka oggaadaan gantaalka Oreshnik iyo sida ay ugu surageli karto inay ka hortagaan.

Related posts

Dil caawa ka dhacay degmada Balcad iyo ciidamada amniga oo baaritaano wada

Caydiid Ali

Danjire Rahul Chabbra oo gaaray Garowe & Madaxweyne Deni oo qaabilay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Baarlamanka dal Afrikaan ah oo laga jartay Korontadii ka dib lacag badan oo lagu yeeshay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---