Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo kahor timid go’aankii Baarlamaanka eedeynta u jeedisay DFS

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee maamulka Jubbaland, ayaa looga soo horjeestay go’aankii ay maanta xildhibaannada labada Aqal ku ansixiyeen dhismaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka.

Jubbaland ayaa caddeysay in aysan waxba ka khuseyn guddiga doorashooyinka ee dhismahooda maanta la ansixiyay, waxa ayna sheegeen in ansixinta maanta sameeyeen Baarlamaanka Federaalka uu yahay sharci darro, waxa ayna wasaaraddu tilmaantay in xitaa kooramka Baarlamaanka buuxin.

War-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya ku tumaneyso dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaalla, waxa ayna tallaabooyinka dowladda qaadeyso tilmaameen in ay horseedeyso kala taga umadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciro oo ka hadlay sida uu wajahayo dagaalka ka socda Ceerigaabo

Caydiid Ali

Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Ahlu Sunna oo bilowday Gor gortan cusub si ay u ogolaadaan Doorashada Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---