Allbanaadir.com
NEWS

Xiriirka magaalooyinka Qaahira & Xamar oo la xoojinayo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dalka Masar kulan kula qaatay Duqa Magaalada Qaahira Dr. Ibrahim Saabir, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireen ee ka dhaxeeya shacabka walaalaha ah ee Masar iyo Soomaaliya.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo xiriirka labada Magaalo ee Qaahira iyo Muqdisho, iyadoo la iska kaashanaya arrimaha dib-u-dhiska kaabayaasha kala duwan, casriyeenta iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo is-dhaafsiga aqoonta.

Dhinaca kale wafdiga uu hogaaminaayo Duqa Muqdisho ayaa booqasho ku tagay Xarunta Wakaaladda Biyaha Qaahira oo ah Shirkadda bixisa adeegyada Biyaha iyagoo isticmaala tiknoolajiyada casriga ah ee hagta Hawlaha adeegyada biyaha ee Magaalada Qaahira.

Related posts

Soomaali ku xanibneyd dalka Kenya oo lagu celiyey Muqdisho & Garowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Miisaaniyada gobolka Banaadir ee sanadka 2019-ka oo la ansixiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Baasaboorka Somalia oo sare uga kacay kaalinta uu kaga jiray Baasaboorada caalamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---