Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo casuumad qurux badan u sameeyay xildhibaannadii Kismaayo tagay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay qeybtii ugu horeysay ee Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubaland ee Magaalada Kismaayo u yimid shirka-watashiga.

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku casuumay Xildhibaanada Jubaland ku matala heer Federaal latashi guud oo ay yeelanayaan maamulka Jubaland, Xildhibaanada labada Aqal ku mata Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo lagaga arinsanayo xaalada siyaasada dalka.

Axmed Madoobe ayaa isaga soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka dhacay, waxa uuna kahor yimid in muddo kordhin loo sameeyo maamul goboleedyada iyo sidoo kale doorasho qof iyo cod ah oo la qabto .

Shirka Wadatashiga ee yeelanayaan Madaxweynaha Jubbaland iyo xildhibaannada labada Aqal ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan go’aano laguna taageero in Jubbaland ay qabsato doorashada , golaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Related posts

Saraakiil ciidan oo tagay deegaan Al Shabaab weerar culus ku qaadeen (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Laftagareen kala hadlay Gudiyada Doorashooyinka Koonfur Galbeed?

Caydiid Ali

Fursad dahabi ah oo loo hayo qurbajoogta Soomaaliyeed meel kasta oo Dunnida ka joogaan!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---