Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil ciidan oo tagay deegaan Al Shabaab weerar culus ku qaadeen (Sawirro)

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray deegaanka Caad ee gobolka Mudug, halkaas uu dhawwaan ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay , kaddib markii Al Shabaab weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaadeen.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Cali iyo saraakiil kale ayaa gaaray deegaanka Caad, si ay u dhiiro geliyaan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee iska difaacay weerarkii Al Shabaab.

Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socotay ayaa soo indha indheeyay goobihii dagaalka ka dhacay, waxa ayna saraakiishii goobta joogtay u sheegeen in Al Shabaab lagu jabiyay weerarkii ay soo qaadeen loogana dilay xubno badan.

Weerarka ka dhacay deegaanka Caad ayaa dhaliyay khasaaro badabn oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxa ayna labada dhinac mid kasta guulo waa weyn ka sheegteen dagaalka caad ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Saraakiil katirsan NISA oo amarkiisa jabiyay

Cabdi Cade

Bajaajleyda Muqdisho oo diidan go’aankii ka soo baxay Dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Arday Muslimiin ah oo kunool dalka Ingiriiska oo lacag u ururinaya Shacabka Falastiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---