Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo lagu bur buriyay xarumo Al Shabaab lahaayeen iyo garaash qaraxyo lagu diyaarinayay

Diyaaradaha dagaalka ee caawiya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa xalay fuliyay duqeymo culus oo lagu bartilmaameedsaday baabuur Al Shabaab lahaayeen iyo goobo kale ayaa ka dhacay deegaanno katirsan Hirshabelle iyo Galmudug.

Duqeyn culus ayaa lagu garaacay koontarool Al Shabaab ku baaraan gaadiidka iyo dadka, kaa oo u yaallay duleedka degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana duqeyntaasi la sheegay in lagu dilay toban xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lagu bur buriyay gaadiid ay lahaayeen kooxda Al Shabaab , sidoo kale ka firxadeen goobtii ay shacabka ku dhibaateenayeen ee la duqeeyay.

Duqeyn kale oo diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaanka Carfuudo oo hoostaga tuulada Wadaariq ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi lagu beegsaday xubno katirsan jabhadaha Al Shabaab , waxaana lagu bur buriyay afar goob ay ku sugnaayeen jabhadaha Al Shabaab

Waxaa sidoo kale duqeynta ka dhacday gobolka Mudug lagu bur buriyay garaash Al Shabaab lahaayeen oo ay ku jireen gaadiid dagaal iyo sidoo kale gaadiid kale oo la sheegay in qaraxyo lagu diyaarinayay.

Taliska ciidanka xoogga ayaana sheegay in Al Shabaab khasaarooyin lagu gaarsiiyay duqeymihii ugu dambeeyay ee lala beegsaday, waxa ayna xuseen in gaadiid dagaal iyo kuwa kale oo qaraxyo waday dhulka lala simay, ayna sii socon doonaan duqeymaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gabar Dhaqan wanaaga Saaxiibteed oo Muslimad ah awgeed Islaamka ku noqotay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamadii diidanaa muddo kordhinta oo bilaabay iney ka baxaan Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la siiyay Talo muhiim ah oo ku aadan Magacaabista Golaha Wasiirada

Cabdi Cade