Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada Maaliyadda & Maamulka G/Banaadir oo lagu eedeeyey wax isdaba marin

Guddiga Maaliyadda Baarlamanka Soomaaliya ayaa wax isdaba marin ku eedeeyay hey’addaha dowladda qaarkood.

Warbixin Guddiga Maaliyadda soo saaray oo maanta loo qeybiyay Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu soo bandhigay xisaabaadka Hey’addaha dowladda iyo sida loo maamulay maaliyadda dalka sanadka 2018.

Xubnaha Guddiga ayaa soo bandhigay warbixin looga hadlay wax is daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda dalka laga soo bilaabo bishii Janaayo illaa Agoosto ee sanadkan.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayuu Guddiga si gaar ah u soo jeediyay in laga hakiyo miisaaniyadda maaliyadeed, wuxuuna Hanti dhowrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud ka dalbaday inay baaritaan ku sameeyaan hey’adaha dowladda ee sameeyay wax is daba marinta.

HOOS KA AKHRISO QEYBO KA MID AH QORAALKA GUDDIGA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasiir Carbeed oo booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine ballanqaadna sameeyay

Cabdi Cade

Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo ka dooday Mooshin laga keenay xariga Jen Sheegow

Caydiid Ali

DFS oo si adag uga hortimid tallaabo uu qaaday Madaxweyne Deni (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---