Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo Dagaal beeleed ku tilmaantay dagaalka Khatumo iyo Somaliland

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland , ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday deegaannada Qorilugud iyo Shangeed, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimaho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ay ugu baaqayaan beelaha ku dagaallamaya Qorilugud iyo Shangeed in ay xabbada joojiyaan kana shaqeeyaan sidii xal nabadeed loo gaari lahaa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo haweenka labada dhinac in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dhiigga micnodarada ku daadanaya loogana shaqeyn lahaa nabbadda.

Baaqan kasoo baxay dowladda Soomaaliya , ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Somaliland ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya in iyagu soo abaabuleen weerar ay sheegeen in ay kaga yimaadeen dhinaca maamulka Khaatumo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno katirsan kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Ekrem Yüce oo aqbalay inuu booqasho ku yimaado Magalada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Bujumbura (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---