Allbanaadir.com
NEWS

Michael Nithavrianakis iyo wafdi la socday oo gaaray Baydhabo lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo wafdi uu Hogaaminayey

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Michael oo kulankooda ay ka qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada, Gargaarka iyo Howlaha guud ayaa la isaga waraystay saamaynta ka dhalatay fatahaadka biyaha roobka xooggan ee ka da’ay magaalooyin katirsan Koonfur Galbeed.

Kulanka dhaxmaray Laftagareen iyo Danjiraha dowladda Ingiriiska ayaa looga wada hadlay u diyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka, xoojinta wadashaqaynta iyo hirgelinta mashaariicda loogu adeegayo bulshada.

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa adkeeyey in socdaalkiisa magaalada Baydhabo ay tahay sidii dowladda Ingiriiska ay kaalin ugu qaadan lahayd u gurmashada  dadka saameynta ku yeeshay fatahaadka biyaha iyo sidii ay u taageeri lahaayeen dadaalka dowladda Koonfur Galbeed ee daadejinta adeegyada dowladda.

Related posts

Puntland oo amar cusub ku soo rogay heyadaha caalamiga & kuwa Maxaliga ee Gobolka Mudug

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Cabdi Cade

Shirkadda Dahabshiil haaf Milyan dollar ku wareejisay guddiga Gurmadka Qaran (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---