Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo dhiirogelin ugu tagay Ciidamo wada howlgal culus (Sawirro)

Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta tagay deegaanka Mukay-dheere oo ay ku sugan yihiin saraakiisha hoggaamineyso howgalka ciidamada Hirshabeelle iyo kuwa xoogga dalka ee lagu soo af-jarayo kooxda Al Shabaab.

Ugu horreyn taliyaha ciidamada booliska maamulka Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay sida uu socdo howgalka ka dhanka ah ee kooxda Al Shabaab ay wadaan ciidamada huwanta ah.

Taliyaha ayaa warbixintiisa ku xusay inay sahaydii ka jareen kooxda Al Shabaab ku sugan deegaanka Yaaqle , kuwaa uu sheegay in ay xilligan wajahayaan go’doon adag .

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la hadlay saraakiisha ciidanka , ayaa sheegay in uu ugu tagay dhiirogelin iyo sidii ay ciidanada u dardargelin lahaayeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan Hirshabelle.

“Waxaan halkan idin kugu imid sidii aad u dardargelin laheyd dagaalka aan Hirshabeelle kaga cirib-tireyno maleeshiyada

.” Ayuu yiri Madaxwnaha maamulka Hirshabelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),  ayaa xusay in marka ciidamada soo afjaraan howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab in uu bilaaban doono dhismaha laamiga isku-xirayo magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Related posts

Faahfaahin: Qarax xoogan oo caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Wado Laami ah oo laga dhisayo Muqdisho oo maanta la dhagax dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nolosha dadka Muqdisho oo u qeyb santay Dabaqad Sare iyo Dabaqad Hoose !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---