Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin: Qarax xoogan oo caawa ka dhacay Muqdisho

Qaraxa miino ayaa caawa ka dhacay Degamda Heliwaa ee Gobolka Banaadir kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan

Qaraxa ayaa la dhigay Goob ay Ciidamada Dowladda fadhiistaan Subixii si ay u baaraan gaadiidka Dadweynaha balse goobta ay ka hoyaadaan xilliyada habeenkii.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uusan sababin khasaara nafeed balse uu burburiyay darbi ku yiilay barta ay Ciidamadu fariistaan.

Goobta qaraxa la dhigay oo u dhaxaysa Baar Jowhar iyo Xero Maslax ayaa qaraxa kaddib waxaa tagay Ciidamada Dowladda kuwaasoo baaritaano bilaabay lamana sheegin inay dad u soo qabteen qaraxa dhacay iyo in kale.

Magaalada Muqdisho ayaa mjudooyinkan aheyd mid nabdoon, waxaana si weyn hoos ugu dhacay qaraxyada iyo weeraradii ismiidaaminta ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacayey.

Related posts

Guddiga Doorashada Galmudug oo Shaaciyay habraacada Doorashada Saddex Kursi

Cabdi Cade

Arrin yaab leh oo laga soo weriyey Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Abaabulka dibed bax weyn oo caawa laga dareemayo Muqdisho & Xog ku aadan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---