Allbanaadir.com
NEWS

USA iyo dalal kale oo diiday in Ukraine ku biirto NATO

Sida uu qoray wargeyska Politico Toddobo dal oo ay ku jiraan Mareykanka, Jarmalka, Hungary, Slovakia, Belgium, Slovenia iyo Spain aad uma doonayaan in Ukraine ku soo biirto isbahaysiga NATO.

Safiirka Mareykanka ee NATO, Julianne Smith, ayaa u sheegtay wargeyska in isbaheysiga uusan diyaar u aheyn in Ukraine xubin ka noqoto.

Volodymyr Zelensky waxa uu sheegay in Jarmalka ka welwelsan yihiin in Ukraine diyaar u tahay ku biirsita NATO. Washington iyo Berlin meesha kama saarin suuragalnimada in Ukraine ay xubin ka noqoto NATO.

Dalalka Hungary iyo Slovakia waxaa hadda ka taliya xisbiyo garabka midig oo fog oo ka horjeeda aragtiyada Kremlin-ka taageersan.

Raisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orban, ayaa si joogto ah u horjoogsada qorshooyinka Midowga Yurub ay kaalmo militiri ku siinayaan Ukraine isagoo aaminsan inaan waxba laga faaiideynin

Related posts

Xisbi ka dhisan Sweden oo wada olole lagu mamnuucayo Aadanka Salaada

Caydiid Ali

Maxaad ka taqaan Taariikhda Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Qoor Qoor ?

Cabdi Cade

Khilaafkii ka taagnaa Maamulka G/Hiiraan oo ugu dambeyn la soo afjaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---