Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Soomaaliya oo wargelin muhiim ah u diray shacabka

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen ku wargaliyay shacabka Soomaaliyeed in kusoo wargaliyaan ciidanka booliiska, haddii gaari ama mooto laga dhaco .

Qoraalka kasoo baxay booliiska ayaa u qornaa sida tan:

Iyadoo la ilaalinayo badbaadada muwaadiniinta iyo hantidooda, waxaa bulshada Soomaaliyeed oo dhan la farayaa inay raacaan qodobada soo socda:

1- Gaari ama Mooto lagaa xado: Haddii gaari ama mooto aad leedahay lagaa xado ama aad waaydo, waa lagama maarmaan inaad ku wargaliso saldhigga boliiska ee kuugu dhow 48 ilaa 72 saac gudahooda, si laamaha amnigu uga baadi goobaan.

2- Dukumintiyo luma: Haddii ay kaa lumaan dukumiintiyo muhiim ah sida taargada ama buugga gaarigaaga, waxaa waajib ah inaad ku wargaliso boliiska 48 ilaa 72 saac gudahooda.

Digniin: Haddii aad ku guuldareysato inaad ku wargeliso Hay’adaha ammaanka xaaladaha kor ku xusan, adiga ayaa qaadi doona masuuliyadda wax kasta oo dhib ah oo ka dhasha isticmaalka gaarigaaga ama mootadaada, mana lagu aqbali doono wax cudurdaar ah.

Fadlan ogow, raacista awaamirtan waa mid muhiim ah oo gacan ka geysanaysa sugidda amnigaaga iyo kan bulshada oo dhan.

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya Masuul ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Caydiid Ali

Puntland oo soo saartay go’aan khuseeya degaanka Soomaalida

Caydiid Ali

Geelle oo ka hadlay xiliga ay aqoonsiga siinayaan Somaliland & arrimo kale oo xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---