Faahfaahino ka soo baxaya Masuul ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Waxaa xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Xisaabiyihii Dowladda Hoose ee Puntland u qaabilsanaa magaaladaas oo magaciisa la oran jiray Axmed Deeq Cali Hayaan.

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay in xisaabiyaha ay ku dileen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyagoo ka dibna baxsaday sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Xisaabiyaha ayaa markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka Magaalada Gaalkacyo halkaasoo uu markii dambe ugu geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray rasaasta lagu furay.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa xalay illaa saaka howlgalo ka wada nawaaxiga goobtii uu dilku ka dhacay, iyagoo baadi goobaya kooxihii ka dambeeyey dilka Xisaabiyihii Dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

Masuuliyiin ka tirsan Puntland, saraakiil, odayaal, ganacsato, weriyeyaal iyo dad kale ayaa horey loogu dilay Magaalada Gaalkacyo, waxaana dilalkaas intooda badan sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -