Allbanaadir.com
NEWS

Xisbullah oo talaabo culus qaadeysa Maalmaha soo socda

Ururka Xisbullah ayaa wacad ku maray in uu kordhin doono dagaalka ay kula jirto Israa’iil, maalin ka dib markii ciidamada Isra’il ay sheegeen in ay dileen hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar, kaas oo ahaa ninki amray weerarki ay Xamaas ku qaadday koofruta Isra’il 7-dii October.

Bayaan kasoo baxay Xisbullah shalay, ayay iyaga oo aanan soo hadal qaadin dilka Sinwar ku dhawaaqeen in ay u gudbeen marxalad cusub oo kor u qaadaysa iska horimaadyada ay kala soo horjeedaan Israel, kaas oo ay sheegeen in uu ka muuqan doono dhacdooyinka maalmaha soo socda.

Isra’il ayaa Khamiisti sheegtay, in si lama filaan ah ay ciidamadooda ka dagaallamaya Gaza ay dileen Sinwaar. Waxay sheegeen in aysan ka warqabin goobta uu joogay. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in marki la dilayay Sinwaar ay isaga iyo laba nin oo kale oo la socotay ay si lama filaan ah loogu arkay dhismo ku yaalla Koofurta Gaza.

Xamaas waxay xaqiijisay dilka Sinwaar shalay. Khudbad laga baahiyay telefishannada ayuu madaxa Xamaas ee Gaza Khalil Al Xayya ku xaqiijiyay dilka hoggaamiyahoodii. Isaga oo ku tilmaamay geesi si sugan u dagaallamay oo ku dhintay shahiidnimo.

Related posts

War cusub oo kasoo kordhay Xiisadii u dhaxeesay Imaaraadka iyo Sacuudiga

Cabdi Cade

Theresa May oo iska casishay xilka Raisul Wasaaraha dalka Britain

Caydiid Ali

DEG DEG: Dowladda Somalia oo beenisay Warar laga faafiyey ciidamo tababar u jooga Eritreya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---