Allbanaadir.com
NEWS

Rosemary DiCarlo oo Muqdisho timid warbixina laga siiyay Shirkii Golaha Wadatashiga ee…

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, iyo Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa soo dhaweeyay Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda, Marwo Rosemary A. DiCarlo, oo booqasho ku timid Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa Marwo DiCarlo uga warbixiyay horumarka dhawaan laga gaaray Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga. Wadahadallada waxay xooga saareen dib u bilaabista shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo lagu wado in la qabto 26-ka Oktoobar, iyo geeddi-socodka kala guurka Soomaaliya ee ku wajahan Hawlgalka Ku-Meelgaarka ah ee Midowga Afrika (AUSSOM).

Wasiirku ayaa sidoo kale kuxigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u sheegay in  rajo wanaagsan ka qabaan in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tixgeliyaan soo jeedimaha Soomaaliya.

Marwo DiCarlo ayaa sidoo kale ballan qaaday in taageero buuxda loo fidin doono kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo Wasiir Fiqi soo dhaweeyay, isaga oo tilmaamay in kooxdaasi ay shaqada ka wadi doonaan New York iyo sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Related posts

Fagaare kuyaalla Muqdisho oo saakay lagu toogtay Shucayb Cabdullaahi iyo Saadaq Cabdi Jabaar

Cabdi Cade

Qarax Goordhaw ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho 

Cabdi Cade

RW Khayre oo markii ugu horeysay ka hadlay doorashada hogaanka cusub ee K/Galbeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---