Allbanaadir.com
NEWS

Iska horimaad khasaaro geestay oo saakay ka dhacay magaalada Badhan

Iska horimaad khasaaro geestay ayaa saakay ka dhacay  magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaana wali halkaasi laga soo sheegayaa in ay ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo kale oo sheegtay Maakhir State.

Sida aan wararka ku helnay is raasaasaynta saakay ka dhacday magaalada Badhan ayaa ka dhalatay , kaddib markii loo diiday magaalada in ay galaan guddiga siyaasadda Maakhir, kuwaasi oo maalmahan socdaal ku marayay degaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

Inta la xaqiijiyay laba askari oo kamid ahaa ciidamada dagaallamay ayaa ku dhaawacantay is rasaasayntaasi oo ka dhacday duleedka waqooyi ee degmada Badhan, waxaana wali taagan cabsi laga qabo in mar kale ay dagaallamaan labada dhinac.

Wafdigii doonayay in ay galaan magaalada Badhan , ayaa wali jooga bannaanka magaalada , waxaana loo diida in ay gudaha magaalada galaan iyaga oo huwan magac maamul ahaan kan Puntland oo magaaladaasi maamula.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo la Dar-daarmay Ciyaartoyda mataleysa gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Masaari ah oo sabab yaab leh loogu xiray Waddanka Sacuudiga (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Israa’iil oo dad badan oo Shacab ah ku xasuuqday xerada Al-Maghazi iyo Xamaas oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---