Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo maanta tagaya xero ciidan oo kutaalla Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa maanta tagaya xerada ciidanka Mareykanka maamulaan ee kutaalla garoonka ciidamada cirka Bali-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socda ayaana ka degaya garoonka Bali-doogle oo ah xarunta ugu weyn ee Soomaaliya ka degan yihiin ciidamada Mareykanka, waxaa sidoo kale xeradaasi lagu tababaraa ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Sida aan xogta ku heleyno Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa u tagaya Bali-doogle sidii ula kulmi lahaa saraakiil katirsan ciidamada Mareykanka ee halkaasi ku sugan, waxaana wararka qaar sheegayaan in Madaxweynaha tababar usoo xiri doono ciidamo katirsan Danab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa marar badan horey u tagay xerada ciidamada ee kutaalla garoonka Bali-doogle ee katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana xeradaasi saldhig u tahay sidoo kale ciidanka kumaandooska ee Danab.

Garoonka Bali-Doogle ee kuyaalla duleedka degmada Wanlaweyn ayaa madaxda dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidan waxa ay ku tagaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxaana adag in safar dhulka ah loo aado arrimo la xariira dhinaca ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  .

 

Related posts

Dowlada Somalia oo boqolaal askari geysay degmada Buur hakaba & ujeedada ka dambeysa

Caydiid Ali

Qorshe ka dhan Madaxwayne Farmaajo oo ka socda Dhuusamareeb & Axmed Madoowe oo go,aan ka qatay Gedo !!

admin

Maxkamadda Ciidamada oo lasoo taagay Masuul hore oo lagu eedeeyay in Al Shabaab ku biiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---