Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kenya oo soo bandhigtay Sawirada iyo magacyada 3-nin oo katirsan Al Shabaab oo halis ku ah dalkeeda (Sawirro)

Booliiska dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirada iyo magacyada sadex nin oo la sheegay in xubno ka yihiin Ururka Al Shabaab, waxaana booliiska sheegeen in ragan ku sugan yihiin gudaha Kenya.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in sadaxdan nin katirsan Al Shabaab ay hubeesan yihiin qatarna ku yihiin amaanka dalka, waxa ayna ka codsadeen bulshada Kenya in booliiska soo war galiyaan hadii ay xog ka helaan ragan hubeesan.

Ragan hubeesan ay baadi goobka ugu jiraan booliiska dalka Kenya ayaa magacyadooda lagu sheegay Abdalla Omar Masudi, Ismael John Otieno iyo John Muasya oo loo yaqaan Yahya Muasya.

Howlgal ay ciidamada booliiska Kenya ka sameeyeen guriga Abdalla Omar Masudi 12-kii bishan ayaa lagu soo qabtay hal qoray oo nuuca AK-47 iyo sodon xabadood, waxa ayna booliiska waayeen Abdalla ay doonayeen in ay soo xiraan.

Booliiska dalka Kenya ayaana wada howlgalo adag ay ku baadi goobayaan ragan la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab, waxa ayna booliiska qatarta raga uga digeen dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Youssef Chahed oo Xafiisyada dowlada ka mamnuucay Indho Shareerka

Cabdi Cade

Dal carbeed oo diiwaan geliyey Soomaaligii ugu horeeyey ee u dhintay Coronavirus

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo Magacaabay taliyaha cusub ee Nabad sugida Gobolka Benaadir

Caydiid Ali