Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo la dhameestiray (Magacyo iyo Sawirro)

Waxaa maanta la dhameestiray Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , kadib markii dhawaan ay is casileen xubno kamid ahaa guddigii horey loo magacaabay.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa ansixiyay guddiga cusub uu soo magacaabay Gudoonka Baarlamaanka ee kamidka noqonaya guddiga doorashooyinka.

Xubnaha cusub ee maanta la ansixiyay ayaa gaaraya 15-xubnood, waxaana guddiga doorashooyinka oo ka kooban yahay 28-xubnood kuwaa oo diyaarinaya doorashada iyo jadwalkeeda.

Magaalada Baydhabo ayaa la filaaa in 28-ka bishan ka dhacdo doorashada Madaxwenaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, doorasHada ayaana hada u muuqata mid aan sidaa u saameyn badneyn kadib markii uu ka tanaasulay doorashada Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -