Allbanaadir.com
NEWS

Fahad Yaasiin” Jubbaland Jubaland goormey gudeysaa abaalkii Puntland”

Taliyihii hore ee hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir , ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay abaal oo horey maamulka Puntland ugu soo gashay maamulka Jubbaland oo hadda siyaasad ahaan kala tageen.

Fahad Yaasiin, ayaa sheegay in maamulka Puntland abaal siyaasadeed oon la ilaabi karin labo mar oo kala duwan u galeen maamulka Jubbaland gaar ahaan Madaxweynaha Jubbaland, waxaana labadaasi mar Axmed Madoobe khilaaf kala dhaxeeyay dowladii hore ee Xasan Sheekh iyo dowladii Farmaajo.

Qoraal uu Fahad Yaasiin uga hadlay arrintan ayaana u qorneed sida tan :

JUBALAND GOORMEEY GUDEYSAA ABAALKII PUNTLAND?

Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka.

Haddii ay dhab ka tahay oo uu Puntland u abaal gudayo iyo haddii uu hadal hayn kaliya uga dan lahaa, waxaa laga ogaan doonaa war murtiyeedka shirka laga soo saari doono.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Madaxweyne Geelle & RW Abiy Ahmed oo kulan gaar ah ku yeeshay Addis ababa (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo si adag u cambaareysay tallaabo caawinaad ah ay qaaday DFS

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Khayre oo Kigali kula kulmay Madaxweyne Paul Kagame (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---